Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay guddiga qaban-qaabada munaasabadaha xorriyadda

Date:

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-

1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta.                                   Guddoomiye

2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga.                           Xubin

3-C/raxmaan Ducale Beyle  , Wasiirka Maaliyadda.                                   Xubin

4- Xasan Cali Maxamed  ,     Wasiirka Gaashaandhigga.                             Xubin

5-Maxamed Abuukar Islow,  Wasiirka Amniga gudaha.                                Xubin

6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda.                                 Xubin

7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka.                                       Xubin

8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.                       Xubin

9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir.                          Xubin

10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam.                Xoghaye guud

Shaqada laga rabo guddigaan

1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.

4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.

5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka.

6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...