Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay guddiga qaban-qaabada munaasabadaha xorriyadda

Date:

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-

1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta.                                   Guddoomiye

2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga.                           Xubin

3-C/raxmaan Ducale Beyle  , Wasiirka Maaliyadda.                                   Xubin

4- Xasan Cali Maxamed  ,     Wasiirka Gaashaandhigga.                             Xubin

5-Maxamed Abuukar Islow,  Wasiirka Amniga gudaha.                                Xubin

6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda.                                 Xubin

7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka.                                       Xubin

8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.                       Xubin

9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir.                          Xubin

10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam.                Xoghaye guud

Shaqada laga rabo guddigaan

1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.

4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.

5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka.

6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...