Kismaayo oo hormuud u noqotay 30-kii degmo ee galay tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartanka adag ee kama dambeysta ah ayaa u dhaxeeyay  degmooyinka Kismaayo & Warta-Nabadda oo ka kala tirsan Benaadir & Jubbada-Hoose

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo  su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay 4-dhibcood.

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, halka tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah ay soo tiigsadeen kulanka kama dambeysta ah, Shibis ayaa kaalinta 3-aad horay ugala baxday Hodan.

Sanadkiiba bisha Ramadana ayaa mar la qabtaa tartankan uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir halka warbaahinta Qaranka ay taaba geliso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...