Ciidanka AMISOM oo deeq gargaar ah gaarsiiyey qoysas uu saameeyey Fataahada Wabiga Shabeelle

Date:

Muqdisho (SNTV)-  Deeqdaan oo ka timid Madaxweynaha Dawladda Uganda Mudane Yoweri Museveni, ayaa waxaa la gaarsiiyey qoysas dan yar ah oo ku nool deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo ay saameysay fataahaadii Wabiga shabeelle uu sameeyey.

Ciidanka AMISOM, gaar ahaan Sector One, ayaa loo marsiiyey Deeqdaan inay gaarsiiyaan Deegaanka Golweyn, waxaana loogu talo galay in afur ay ka dhigtaan dadka danyarta ah ee deegaankaasi ku nool.

deeqdaan, ayaa waxay ka kooban tahay Raashiin kala duwan sida Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan.

Marka laga yimmaaddo la dagaallanka kooxaha Argagixisada ee geeska Afrika, Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha

 

),

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...