Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Dowlada Sweden

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan ujeedkiisa ahaa iskaashi dhinaca Tirakoobka la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’addaha Tirakoobka (Statistics) Dalka Sweden oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sweden ayaa iskaashanaya dhinacyada Horumarinta ee ku aadan soo saarida xog sax ah oo dhameystiran kuna saabsan dhaqaalaha, tirakoobka dadka iyo isbedelada maciishadda Wadanka.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyay kulanka iyo waxyaabaha ugu waa weyn oo ay isla meel dhigeen Agaasimaha.

“Kulanka waxaan diirada ku saarnay xiriirka soo jireenka ee Soomaaliya iyo Sweden iyo inaan xoojino Mashaariicda ay wada qabanayaan labada dowladood iyadoo la xoojinayo dhisida waaxda Tirakoobka, sidoo kale waxaan isla fiirinay Mashaariic iyo tabbaro badan ay wadaan si aan wax badan u qabano, waxaan rajeyneynaa inaan sii wadi doono qeybta Labaad ee Mashruuca oo bilaabaneysa Bisha Janaayo ee sanadka soo socda”.ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Jamaal ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Soomaaliya  ay wado dadaalo ay ku dooneyso in lasoo saaro xogta dhabta ah ee ku aadan korarka Dhaqaalaha iyo la socodkiisa halka uu marayo

“Sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii loo qiimeyn lahaa Waxyaabaha Maciishada, Sicir bararka iyo Arrimaha nolosha si joogto ah maalin kasta u saameeya, Dhaqaalaha dalka heerka uu marayo iyo faqriga taagan ayaan rabnaa inaan tirakoob sax ah ka sameyno, waxyaabo badan oo been abuur ah ayaa dalka laga qoraa”.ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Agaasimaha Guud Hay’addaha Statatics eecDowladda Sweden Joakim Stymne ayaa sheegay in wada hadalka uu quseeyay iskaashiga labada dowladood,waxa uu intaa ku daray in Dowladda Soomaliya ay horumarineyso dhinaca xogaha Qaranka.

“Wada hadalada aan yeelanay waxay quseeyaan wada shaqeynta u dhaxeysa Sweden iyo Soomaaliya, Hormarada laga sameeyay Tirakoobka waxaan u maleyneynayaa inay tahay talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday isla markaana dowlada Soomaaliya ay ku dhiseyso Hay’addaheeda ka dib sanado badan oo waqtiyo adag ah, Dowlada Soomaaliya way ka go’an tahay inay arinkan hormarso”.ayuu yiri Agaasimaha

Sadaxdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dowladda Sweden tababaro joogta ah siineysay shaqaalaha ku howlahan Arrinta Xogaha si aqoontooda kor loogu qaado, sidoo kale waxay balanqaaday in Tababaro gaaraya 28 oo heer caalami ah ay u sameyn doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan amniga Dalka  

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey...

R/W ku-xigeenka Labaad oo dhagax-dhigay Suuq Xoolaha lagu iibin doono ee Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali Dhaay...

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeyb galay Carwada Shidaalka ee Wadamada Bariga Afrika 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee...

S/G Odawa “Diyaar ayaan u nahay in aan ka hortagno kooxaha khawaarijta ah”

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Rage, oo ah hoggaamiye sare...