Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo kamid ah Baraha Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Labada Taliye, ayaa tagay Xaafado kuย yaallo duleedka Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso Taliska Asluubta iyo Sarkuusta, halkaasi oo dhowaan la qorsheynayo in laga dhiso Saldhig Boolis, maadaama ay sii ballaaraneyso Muqdisho,ย Xaafadahaasinaย aysan laheyn Saldhig.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko , Taliyaha iyo taliye ku xiggeenkaย Qeybta Booliska G/banaadirย iyo Saraakiil kale, ayaa sidoo kaleย kormeeray halka uu marayo Mashruucย ka kooban Xabsi iyo Xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka oo ka dhismaya KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluuba Soomaaliyeed.
inta ay ku guda jireen Kormeerka, ayaa Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta waxay soo mareen baraha kontoraal ee Ciidanka Ammaanka ku leeyihiin Deyniile, EX Kontarool Afgooye, Tarabuunka, Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Jajabย iyo meelo kale, waxaana Ciidanka ay ku dhiiri geliyeen inay laba jibaaraan shaqada Qaranka ay u hayaan.

