Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta oo kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Ammaanka ay ku leeyihiin Duleedka Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo kamid ah Baraha Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Labada Taliye, ayaa tagay Xaafado ku  yaallo duleedka Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso Taliska Asluubta iyo Sarkuusta, halkaasi oo dhowaan la qorsheynayo in laga dhiso Saldhig Boolis, maadaama ay sii ballaaraneyso Muqdisho,  Xaafadahaasina  aysan laheyn Saldhig.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko , Taliyaha iyo taliye ku xiggeenka  Qeybta Booliska G/banaadir  iyo Saraakiil kale, ayaa sidoo kale  kormeeray halka uu marayo Mashruuc  ka kooban Xabsi iyo Xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka oo ka dhismaya KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluuba Soomaaliyeed.

inta ay ku guda jireen Kormeerka, ayaa Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta waxay soo mareen baraha kontoraal ee Ciidanka Ammaanka ku leeyihiin Deyniile, EX Kontarool Afgooye, Tarabuunka, Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Jajab  iyo meelo kale, waxaana Ciidanka ay ku dhiiri geliyeen inay laba jibaaraan shaqada Qaranka ay u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...