Taliyaha Hogaanka Howl-galinta CXD oo booqday Degaanadii Al-shabaab laga Xureeyay ee Jubbooyinka

Date:

Kismaayo(SNTV):โ€“Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga xureeyay Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa booqday deegaanada kala ah Baar-sanguuni,kaban iyo Tuulo hoos tagta Degmada jamaame, iyagoona u kuur galay Amniga deegaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid ย ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka xureeyeen Nabadiidka Al-shabaab.

General Maxamedย  Sheekh Madoowe Taliyaha ayaaย duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamedย Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...