Trump iyo Kim oo Singapore si horudhac ah ugu gaaray heshiis weji fur ah

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un talaadada maanta ah ku kulmay dalka Singapore.

Kulanka labada nin ayaa aad loo hadal hayey, waxaana uu ahaa mid la sugayey.

Labada nin ayaa ugu horreyn is gacan qaaday waxaana ka muuqatay farxad ku saabsan kulankooda.

Kim Jong-un ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka madaxweyne Trump isagoo yiri “Kulan wanaagsan, Mudane, Madaxweyne dunidda maanta waa ay na hadal heysaa”

Trump ayaa shegay in Kim uu yahay nin dedaal badan

Waxa uu sheegay in uu xilka qabtay isgaoo da’ yer isla markaana uu horumariyey dalkiisa.

Trump ayaa shegay in Mareykanka uusan yareyn doonin awoodiisa millitari ee gobalka gaar ahaan dalka Kuuriyada Waqooyi, balse waxa uu sheegay in Mareykanka uu joojin doono dhaqdhaqaaqiisa millitari ee uu ka sameeyo Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa sidoo kale shirka jaraa’id ay wada qabteyn ka sheegay in Kim uu horrey u sheegay inay burburiyeen xarruntii nukleerka ee dalkiisa.

Hadalkan ma faah-faahin balse weriyaasha ayaa sheegay in lagu shaacin doono dikuminti labada nin ay is dhaafsan doonaan.

“Maanta waa billawga geedi socodka wax-qabadka – indhahaynu way furan yihiin,” ayuu yiri Trump Qodobada laga soo saaray shirmadaxeedka labada hogaamiye islamarkaana ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah

1-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleelaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

2-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

3-in ay labada dowladood iska kaashadaan baadi goobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi.

4- iyo in si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, ay K/Waqooyi ay ka shaqeyso sida gacanka looga dhigi lahaa goob ka caagan niyukliyeer.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...