Madaxweyne Axmed Madoobe”Way sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab”

Date:

Kismaayo(SNTV)- Kadib howlgal ballaaran oo lagu qaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo ka dhacay deegaanada Waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaasi tagay madaxweynaah Jubbaland Axmed Madoobe.

Ujeedka socdaalkiisi oo uu ahaa ukuur-galka xaaladda deegaanadaasi ayuu madaxweynaaha wuxuu warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagula dagaalamaya maleeshiyada Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa siweyn ugu ammaanay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland sida ay u dhabar jebiyeen dhagarta kooxda Shabaab,wuxuuna intaasi ku daray in ay sii socondoonaan howlgalada ka dhanka Ah Alshabaab.

Madaxweynahu waxaa uu tagay dhamaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Al-shabaab laga saaray isagoo Ciidamada ku booriyay in ay u dhabar adaygaan halganka ay wadanka ku xoraynayaan,wuxuuna intaasi sii raaciyay in dhul dambe oo laga qabtay Alshabaab aan dib ugu soo laaban doonin.

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Jubbaland in ay ciidamadu kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa nabadgeliyada deegaanadaasi,iyagana laga dulqaado dhibaatooyinka ay ku qabaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Booqashada madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal deegaanka Baarsanguuni uu ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada Shabaab,dagaalkaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...