Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya oo bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho(SNTV):–Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Somaaliyeed tan iyo sanadkii 2007dii.

Madaxtooyada Soomaaliyaa ayaa ilaa haatan diiwan gelisay ku dhawaad boqol caruur ah oo la xaqiijiyey in ay ka geeriyoodeen Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyadoona wajiga koowaad ee barnaamijkan lagu bartilmaamsanayo agoonta saxafiyiintii ka hawl geli jiray magaalada Muqdisho.

Madaxa Xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabirisaaq Jaamac Cilmi (Black) oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka wareysatay olalahan ayaa xaqiijiyey in ujeedka laga leeyahay arrinkan uu yahay sidii loo maamuusi lahaa wariyeyaashii Soomaaliyeed ee geeriyooday, iyagoona ka soo shaqeeyey dalka marxalad adag ee la soo maray.

“Waxaan rajaynaynaa in intan ay ka mug-weynaadaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada ku wajahan qooysaska ay ka tageen wariyeyaashii Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurtooda oo runtii xaq badan ku leh dadka Soomaaliyeed, maadama inbadan oo ka mid ah ay naftooda u horeen dalkooda, argagixisada Alshabaabna ay u bar-tilmaamsatay arrinkan.”

Cabdirisaaq Black oo hormuud ka ah olalahan ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay barnaamijkan lagu ciidsiinayo agoomaha saxafiyiinta, maadama isagu uu ka mid ahaa wariyeyaashii ay dhibaateysay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, si dhawna uu u dareemi karo culeyska ay la nool yihiin qoysaskaasi.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo jeediyey in la asteeyo sanduuq dhaqaale oo gaar ah u qooysaska iyo agoomaha ay ka tageen wariyeyaasha Soomaaliyeed, si loogu kabo baahiyahooda nolaleed gaar ahaan caafimadkooda, barbaarinta iyo waxbarashadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...