Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya oo bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho(SNTV):–Xafiiska Warfaafinta Maaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay barnaamij lagu ciidsiinayo carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii Somaaliyeed tan iyo sanadkii 2007dii.

Madaxtooyada Soomaaliyaa ayaa ilaa haatan diiwan gelisay ku dhawaad boqol caruur ah oo la xaqiijiyey in ay ka geeriyoodeen Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyadoona wajiga koowaad ee barnaamijkan lagu bartilmaamsanayo agoonta saxafiyiintii ka hawl geli jiray magaalada Muqdisho.

Madaxa Xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabirisaaq Jaamac Cilmi (Black) oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka wareysatay olalahan ayaa xaqiijiyey in ujeedka laga leeyahay arrinkan uu yahay sidii loo maamuusi lahaa wariyeyaashii Soomaaliyeed ee geeriyooday, iyagoona ka soo shaqeeyey dalka marxalad adag ee la soo maray.

“Waxaan rajaynaynaa in intan ay ka mug-weynaadaan qorsheyaasha iyo barnaamijyada ku wajahan qooysaska ay ka tageen wariyeyaashii Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurtooda oo runtii xaq badan ku leh dadka Soomaaliyeed, maadama inbadan oo ka mid ah ay naftooda u horeen dalkooda, argagixisada Alshabaabna ay u bar-tilmaamsatay arrinkan.”

Cabdirisaaq Black oo hormuud ka ah olalahan ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay barnaamijkan lagu ciidsiinayo agoomaha saxafiyiinta, maadama isagu uu ka mid ahaa wariyeyaashii ay dhibaateysay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, si dhawna uu u dareemi karo culeyska ay la nool yihiin qoysaskaasi.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo jeediyey in la asteeyo sanduuq dhaqaale oo gaar ah u qooysaska iyo agoomaha ay ka tageen wariyeyaasha Soomaaliyeed, si loogu kabo baahiyahooda nolaleed gaar ahaan caafimadkooda, barbaarinta iyo waxbarashadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...