Muqdisho (SNTV)-Habeenkan caawa ah waxaa ku wada ballansanaa wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan degmooyinka Warta Nabadda & Jilib oo ka kala tirsan goballada Benaadir iyo Jubbada-Dhexe.
Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Suโaal, ma jirin hal suโaal o oay ka jawaabeen oo waa ay iska qaldeen dhamaan todobadii suโaal ee la weydiiyay, balse waxa ay ka faaโiideysteenย halย suโaal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada Jilib,ย guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotayย 2-dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย Halย suโaal, ย mana jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jilib waxay noqotayย 2-ย dhibcood.
Tartamayaasha labada degmo ayaa isku garab dhacay oo ay noqdeen isku dhibco, waxaana uu guddiga ku daray suโaallo dheeri ah oo lagu kala saarayay labada tartame, waxaana suโaashii koowaad la weydiiyay tartamaayasha Degmada Jilib waana ay iska qaldeen, waxaana ka faaโiideystay dhiggooda Warta Nabadda, iyagoo sidoo kale ka jawaabay toodii gaarka ahayd, waxana ay la yimaadeen 4 dhibcood iyo labo dhibac oo ay horey u wateen.
Warta Nabadda 6- dhibcood iyo Jilib oo heshay 2-ย dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadd ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Jilib ay ku biireen degmooyinka ku haray wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka.
Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe ku wada ballansanย Kismaayo & Xamar-jajabย ย oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.