Kampala-(SNTV)-Dowladda Yugaandha ayaa gar-gaar ugu deeqday Qoysaska ay fatahaadda Webiga Shabeelle saameeyeen ee ku nool degaanka Golwayn ee Gobolka Shabeellada hoose.
Raashiin kala duwan oo ka kooban Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan, ayaa loo mariyay ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
Ku xigeenka Danjiraha Dalka Yugaandha u fadhiya Soomaaliya, Maj. Gen. Nathan Mugisha, ayaa ambabixiyay kolonyada Gaadiidka ee Cuntada u siday Dadka ku tabaalaysan Golweyn.
Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha.
Isha/ AMISOM