Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyeey inuu qorshaynayo shir ay si gaar ah uwada qaataan madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi kulankaasi oo 12-ka bisha lagu wado inuu ka dhaco dalka Singapore.

Hadalka Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo ifbaxay kadib markii uu kulan gaar ah oo looga hadlayay shir madaxeedka labada hogaamiye lagu soo gabagabeeyay gudaha xarunta caqalka cad, iyadoo uu kulankan dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ergayga wadahadalada Kuuriyada Waqooyi Kim Yong Chol.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in kulanka uu ugu dambeyn uu noqdo mid si rasmi ah uqabsooma islamarkaana uu noqdo mid miro dhal ah.

Wafdiga ka socday xukuumadda Piyongyang ee uu hogaaminayo Kim Chol ayaa lagu soo waramay in ay ugudbiyeen Trump, fariin ay ka timid madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, taasi oo uu madaxweynaha Mareykanka uu ku tilmaamay mid soo jiidasho leh.

Xiriirka labada dal ayaa u muuqda mid soo hagaagaya taniyo markii uu billaabmay gogol xaarka qorshaha shir madaxeedka kaasi oo lagu wado in ay yeeshaan labada hogaamiye.

Kulankan uu maanta uu madaxweyne Trump si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qabsoomayo oo ah mid horay u qorsheysnaa ayaa waxaa soo wajahayay dib udhac dhinac, iyadoo ay dhinacyada wakiilada labada dal ay kulamo ku aadan amuurahaasi ay ka yeelanayeen si loo suurogeliyo in shir madaxeedku uu qabsoomo bartamaha bishan Juun ee sanadka 2018.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha 3-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...