Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay tababarka tabarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka.

Tababarkaan oo socon doona muddo afar maalin ah waxaa ka faa’idaysan doonaa bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana labada maalin ee ugu horraysa tababarka qaadan doona ku dhowaad 50 qof oo ka socota bulshada rayidka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halka labada maalin ee xigta la tababari doono xubno ka socda Waaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Furitaanka tababrka waxaa ka soo qayb galay madax ka socota Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka midyihiin Wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Koonfur galbeed soomaaliya, Duqa magaalada Baydhabo iyo cuqaal iyo waxgaradka koonfur galbeed.

Ugu horreyn agaasimaha guud wasaaradda arrimaha dastuurka koonfur galbeed Soomaaliya Mustaf sheikh Cabdullaahi ayaa ka soo qayb galayaasha u sharraxay qaabka tababrka uu noqon doona iyo muhiimada uu u leeyhay tabarkan bulshada ku dhaqan koonfur galbeed Soomaaliya. Waxa uu xusay in looga baahanyahay dadka ka faaidaysatay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbrashada madaniga ah iyo wacyi galinta dhammaan dadka ku nool deeganada koonfur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka hadallo dhiiregelin ah ka jeediyay duqa magaalada baydhabo, wasiirka haweenka iyo wasiirka waxbarashada koonfur galbeed Soomaaliya, waxa ay sheegeen in ka dowlad ahaan ay ka qaybqaadan doonaan sidii dadka ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya loo gaarsiin lahaa waxbarashada madaniga ah islamarkaana loo bari lahaa dastuurka dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo furay kulanka ayaa sheegay in ujeedada tababrkan ay tahay in dadka loo tababarro waxbarashada madaniga ah ay sii tababari doonaan dadka kale ee ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurka dalka..

“Tababarka tababaryaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha waxa uu muhiim uyahay in bulshada la fahnsiiyo dastuurka lana baro muhiimadda uu leeyahay dastuurka si qof kasta uu ogaado xaqa uu leeyahay iyo masuuliyadda ka saran qaranka, sidaa dasrteed marka uu tababrkan dhammaado waxaa la idinka doonayaa in aad gaarsiisaan wixi aad barateen dhammaan deeganda koonfurgalbeed Soomaaliya idinka oo kaashanaya wasaaradda dastuurka koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho fahansan dastuurka”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuuka Zubeyr.

Uga dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa bilowday fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee Arrimaha dastuurka, waxaana tababarada nuucaan oo kale ah laga fulin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...