Qaraarka Mareykanka ee Qaza

Date:

Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Niki Haley ayaa ku sheegtay in qaraarka  Mareykanka ee ku aadan Gaza uu yahay mid hal dhinac ah taasina ay ku eedeeysay dhinaca Xamaas.

Mareykanka ayaa  diiday inuu u codeeyo qaraarka ay Kuwait u qortay Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay kaasi oo ku baaqayay illaalinta rayidka Falastiin, halka uu dalkaasi yahay dal keliya ee taageeray tallaabada uu ku dhaleecaynayo Xamaas ee weerarkii dhowaan kadhacay marinka Jiidda Gaza.

In kabadan 120 falastiiniyiin  ah ayaa lagu dilay, kumanaano kun oo kale waa lagu dhaawacay waqtigii ay dibadbaxyada si nabagelyo leh uga socdeen gudaha Qaza todobaadyadii lasoo dhaafay gudaha magaalada la hareereeyay ee Marinka Qaza meel u dhow xeyndaabka Israa’iil.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa waxaa kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka iyo saxafiyiin.

10 dal oo ay kamid yihiin Ruushka iyo Faransiiska ayaa u codeeyay qaraar ay soo jeedisay dowladda Kuwait.

Afar dal oo ay kamid yihiin Britain, Polan, Netherlands iyo Ethiopia ayaa ka gabsaday codeeyntan-halka uu Mareykanka, oo ah xulufada ugu weyn ee Israa’iil uu ahaa dalka keliya ee codka diidmada codeeyntan saaray.

Qaraarka, oo dib u eegis lagu sameeyay saddex jeer ayaa la sheegay inuu ahaa mid aan u cuntamin Mareykanka, iyadoo beesha caalamka horey loogu baaqay sidii looga hortagi lahaa islamarkaana loo illaalin lahaa dadka rayidka ee Falastiin.

Bayaan kasoo baxay, Hanan Ashrawi, oo ah xubin katirsan golaha fulinta ee Ururka Xoreeynta Falastiin, ayaa waxa uu sheegay in Mareykanka uu marlabaad sharaxay inuu daacad u yahay Israa’iil islamarkaana uu iska indho tiray in uu weydiisto cafis ku aadan khaladaadkii la galay ee kuwajahan xad-gudubyada iyo xasuuqyadii dhacay.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...