Madaxweynaha Hir-shabelle oo Dalka Dib ugu soo laabtay

Date:

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib Safar Shaqo oo maalma qaatay uu ku maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya.

Madaxweyne Waare oo imaatinkiisa Muqdisho Safarka ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay labaduba ku sugnaayeen Kenya ayaa sheegay in guulo uu ka so hooyo madaxda hay’addo caalami ah oo uu kula kulmay magaada Nairobi, kuwaasi oo uu kala hadlay Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineedn oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabeele , iyo Dhisida Ciidamada Boliiska gaarka ah ee Hirshabelle.

Sidoo Kale Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa intii uu Magaalada Nairobi ku sugnaa waxaa iyana kulan uu la qaatay hey’adaha Qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Bini’adanimada kuwaasi uu si qoto dheer ugala hadlay Baahiyaha dhinaca Bini’aadanimada ee Hirshabelle ka jira, isagoo sharaxaad dheeraad ka siiyay heerka ay gaarsiisantahay fatahaada Wabiga iyo Saameyntiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...