Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Date:

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo u weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta lagu tababoro Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tobobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle ee Shabeellha Hoose. Wuxuuna xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee xaruntan cusub wuxuuna boggaadiyay sida quruxda badan ee loo dhisay iyo habka loo qalabeeyay. Isagoona u mahed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay howshan wanaagsan oo ay ugu horayso dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer kula hadlay qaar ka mid ah ciidanka iyo Saraakiishooda ayaa tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarka dalkana wuxuuna yiri ” Dhismaha xarunta cusub waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qabtay in ay soo laabanayso qaranimadii soomaaliya tan ayaa ugu filin.

“Si dawladnimadda loo xoojiyo waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ogolaatay in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad maanta halkan u joogtaan, si aad u difaacdaan dhulkiina ka dibna aad uga shaqeysaan sidii ay carruutiinu u heli lahaayeen muqtaqabla wanaagsan.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa cadeeyay in hadafyadda ugu waawayn ee xukuumadiisu ay tahay in ciidamadda dib loo habeeyo, diyaarna loo yahay in lagu taageero waxkasta oo ay u baahdaan ciidanku, so loo haga. Idinku hadii aad soo celin waysaan qarinadda Soomaaliyeed ma jirto cidkale oo soo celin doonta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...