Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Garowe

Date:

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan la qaatay Duqa Caasimadda Puntland ee Garowe Mudane Axmed Deeq Maxamed waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo isku xirka magaallooyinka.
Mudane Yarisow ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, waxuna hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay tahay xaruntii Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la adkeeyo cilaaqaadka kala dhaxeeyo Maamullada iyo degmooyinka dalka. Maadaana ay Muqdisho tahay hooyadii dalka.
Sidoo kale, waxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku ammaanay Duqa Garowe sida ay uga go’an tahay isku xirka iyo wada shaqeynta.
Duqa Caasimadda Maamul Gobolleedka Puntland Mudane Axmed Deeq Maxamed wuxuu uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta loo sameeyey iyo adeegyada
Muhiimka ah ee loo hayo shacabka Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...