Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Garowe

Date:

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan la qaatay Duqa Caasimadda Puntland ee Garowe Mudane Axmed Deeq Maxamed waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo isku xirka magaallooyinka.
Mudane Yarisow ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, waxuna hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay tahay xaruntii Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la adkeeyo cilaaqaadka kala dhaxeeyo Maamullada iyo degmooyinka dalka. Maadaana ay Muqdisho tahay hooyadii dalka.
Sidoo kale, waxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku ammaanay Duqa Garowe sida ay uga go’an tahay isku xirka iyo wada shaqeynta.
Duqa Caasimadda Maamul Gobolleedka Puntland Mudane Axmed Deeq Maxamed wuxuu uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta loo sameeyey iyo adeegyada
Muhiimka ah ee loo hayo shacabka Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...