Guddiga Miisaaniyada,maaliyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda XFS

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddiga Miisaaniyadda,Maaliydda,qorshaynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la  kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Cali Cabdi Cusmaan  oo uu Dhinac Fadhiyay Kuxigeenka Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Somali islamarkaana ay fadhiyeen inta badan Xubnaha Guddiga ayaa Ajandaha Kulanka waxa uu ahaa:-

* Warbixin la Xariirta Kororka Dakhliga 4-tii Bilood ee la soo dhaafay.

* Odoroska Miisaaniyadda 2018 haddii ku-celis la sameenayo.

* Sare u qaadida Dakhliga iyo ilaha Dakhliga ka imaanayo.

* Sharciga Canshuuraha Meesha uu Marayo.

* Deeqaha Soo Mara khasnadda Dhexe iyo Kuwa aan soo Marin iyo qodobo kale oo Muhiim ah.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin Ka tirsan Wasaaradda ayaa warbixin kasiiyay Guddiga howlaha Wasaarada ilaa hadda u qabsoomay,  Sidoo kale Wasiirka ayaa  Faahfaahiyay Dhamaan Su’aalihii uu Guddiga weydiiyay.

Dhanka kale,Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Maanta Kulmay ayaa waxay ka hadleen Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ay si wadajir ah u guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xussein Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheikh ayaa Guddiyadda Wadajirka ah ee labada Guddi Warbixin ka dhagaystay Guddoonka labada Guddi.

Kulankaan ay Maanta yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...