Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley

Date:

Muqdisho, 27 May, 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo dhagax-dhigay wadada Jaalle Siyaad ee dhex marta Degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir ayaa boggaadiyey isku-tashiga bulshada deegaanku ay ku dhisayaan jidadka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hor dhagax-dhigga kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dharkiinley, waxayna isla garteen muhiimadda ay leedahay dhismaha wadadan muhiimka ah, iyadoo la isku raacay in wadajir loogu istaago dhismaheeda, maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso isku-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadadani lagu hirgelin doono isku tashiga Maamulka Gobolka iyo shacabkiisaa, isla markaana ay wax wayn ka tari doonto horumarka iyo bilicda Caasimadda oo billooyinkii u danbeeyey dib u soo kabanaysay.

“Dhismaha Jidkan halbowlaha ah ee isku xiraya degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir, wuxuu ku yimid iskutashiga iyo aragtida dadka deegaanku ay ku doonayaan in horumarka degmooyinkooda ay u istaagaan. Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo dhismaha wadadan ka qeyb qaata, ka maamul ahaana waxaa naga go’an dhismaha waddooyinka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey Wasiirro, Xildhibaanno, masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...