Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Sagootin ah loo Sameeyay

Date:

Muqdisho, May 23, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirradda iyo dhammaan Shaqaallaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galay munaasabad Afur ah oo lagu sagootinayay xog-hayihii Joogtada ee Xafiiska R/Wasaaraha Maxamed Kaynan oo shaqada ka tegay, sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweyay xog-hayaha cusub ee loo magacaabay xilkaas Axmed-nuur Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay Maxamed Kaynaan sidii mas’uuliyadda lahayd ee uu u waday shaqada, isagoona ku sifeeyay in uu yahay mas’uul shaqo badan, deggan, go’aan qaadasho wanaagsan leh, jecelna horumarka dalkiisa, waxbadana ka qabtay isbedelka horumarineed ee xafiiska mudadii uu shaqada joogay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay xog-haya cusub ee maanta xilka la wareegay, waxuuna kula dardaarmay in uu shaqada kasii wado meesha uu uga tegay xog-hayihii hore, si loo wada gaaro hadafka guud ee dowladda, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyadda ay u baahan yihiin.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyay Maxamed Kaynaan, taas oo uu ku muteestay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa xog-hayaha xafiiska. Wuxuuna ku dhiiri galiyay in uu ugu faa’iideeyo aqoonta iyo waayo aragmida uu leeyahay dalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...