Guddiga amniga baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay wasiirka amniga.

Date:

Muqdisho(SNTV)- Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale iyo  saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan,si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.

Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya,isagoo guddiga faah faahin ka siiyay xaalaga amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada,islamarkaana ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa xoojinta amniga guud ahaan dalka.

Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan howlgal ballaaran oo ku aadan sugidda amniga caasimadda,loogana hor tagayo falalka guracan oo dhagar qabayaashu ay ka geysanayaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...