Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo la afurtay muslimiinta kale ee Suudan ku nool.

Date:

Suudaan(SNTV) Afur wadareedkan ay soo qaban qaabiyeen Golaha Saaxiibtinimad Shacuubta islamarkaana ay ka qayb galayeen Jaaliyadaha ku nool Suudaan oo ay qeyb ka ahayd Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Caasimadda Khartoum ee Dalka Suudaan.

ayaa sidoo akle Afur wadareedkan waxaa goob joog ka ahaa Lataliyaha Madaxweynaha Suudaan, Wasiiro, Safiiraada Caalamka u fadhiya Suudaan Madaxda Jaaliyadaha ku nool Suudaan, Culamo u diin iyo marti sharaf kale.

Afur wadareedkani oo sanad walba la qabta ayaa waxaa sanadkan ka qeyb qaatay in ka badan 51 Jaaliyadood,iyadoona Jaaliyad walba ay goobta ku soo bandhigeysay Cunooyinka  u gaarka ah,Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaasi ku Soo Bandhigeen Cunooyinka Soomaalida lagu qayaano sida Baastada, Biriiska, Hilibka, Canjeerada iyo Sanbuuska.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdi Wali Xasan Xuseen “Fadilatahu” ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan Suudan ay aad ugu qeyb qaateen Afur wadareedkani.

Danka kale Cabdikaafi Ismaaciil Yaasiin oo ka mid ahaa qaban qaajiyaasha Afur wadareedka ay soo bandhigtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa asigane sheegay inay goobta ku soo bandhigeen Cunooyinka Soomaalida loogu danbeeyo.

Bandhiga cunooyinka ee Jaaliyadaha oo laqabto bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa ka duwan kii sanadkii hore,iyadoona  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan ay Sanadkaani si weyn ugu qayb qaadatay Afur wadareedka.

Yuusuf  Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...