Guddoomiye Yariisow”Waxaa naga go’an in aan garab istaagno dadka ay roobabku saameeyeen”

Date:

Muqdisho(SNTV)- kormeerkan uu  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada muqdishi Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow ku tagay Xarunta degmada Xamar weyne ayaa ahayd ukuurgalka saameynta daadadkii ka dhashey roobki mahiigaanka ahaa ee ka da’ay magalaada muqdisho oo ay buuxdhaafiyeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Waxaaku wehliyay kormeerkiisa guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda,guddoomiye kuxigeenka dhanka arrimaha bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi,iyagoo isla gartay in biyahaasi laga nadiifiyo goobaha ay fariisinka ka sameysteen maadaama ay xanibeen isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa lagu soo wareejiyay xarunta degmada oo ay ka socdaan howlaha biyo nadiifinta,waxaana uu sidoo kale warbixin ka dhageystay maamulka degmada Xamarweyne oo muujiyay in ay jirto baahiyo loo qabo in biyahaasi laga nadiifiyo,kuwaasi oo saameyn ballaaran yeeshey.

C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahne Duqa Muqisho ayaa sheegay in daadadka  roobka ay geysteen qasaaro farabadan,isagoo intaasi ku daray in maamulka gobolka ay ka go,antahay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen samatabixinta dadkii biyuhu ay saameeyeen.

Dhinaca kale maamulka gobolka ayaa deeq raashin ah gaarsiyay degmada Boondheera taa oo loogu talagalay in lagu samata bixiyo dadka ay sameyta ku yeesheen roobabka,kuwaasoo guryohooda ay burburiyeen daadadki ka dhashey roobabkaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in deeqdani o isugu jirta dawo iyo raashiin loogu talagalay in lagu kaabo nolosha dadka ay roobabku saameyeen,iyadoo guud ahaan caasimaddu ay ka soconayaan olole loogu gurmanayo dadka dhibaatooyinkaasi soo wajaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...