Modi iyo Putin oo badda madow ku kulmay.

Date:

India (SNTV)- Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku wada kulmay badda madow isniinta maanta ah.
“Waxaan kalsooni ku qabaa wada xaajoodka Madaxweyne Vladimir Putin, wuxuu sii xoojin doonaa iskaashiga istiraatiijiga gaarka ah ee mudnaanta leh ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Ruushka ” ayuu ku qoray bartiisa twitter Ra’isul wasaaraha Hindiya Modi.
Arrimaha gobalka, go’aankii mareykanka ee lagu buriyay heshiiska Iiraan iyo wadamada quwadaha caalamka ee nuclear kala dhexeeyay ayaa kamid ah arrimaha diiradda lagu saaray wada hadalka labada hugaamiye.
Madaxa Guddiga La-talinta Amniga Qaranka Hindiya ayaa u sheegay Al-jazeera in labada hugaamiye ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan siyaasadda juqraafiga ah (geopolitical) ee deegaanka ku soo koraty.
“ujeedada ra’isul wasaaaha safarkiisa waxa ay ku qotantaa in xaaladda siyaasadeed ay ka qaataan isfaham mideysan, si’ ay meel uga soo wada jeestaan, waxa ay sidoo kale kari karaan in ay ka yeeshaan ujeeddo mid ah” Raghavan oo sidoo kale ahaa u qaabilsinihii Ruushka ee Hindiya ayaa sidaas u sheegay Aljazeera.
Ra’isul wasaaraha Hindiya ayaa tan iyo markii uu yimid xafiiska 2014 waxa uu xiriir dhow la lahaa Mareykanka taasi oo iyana dib u dhigtay xiriirkii kala dhexeeyay Ruushka balse Hindiya ayaa hadda qorsheyneysa in soo cusbooneysiiso xiriirka kala dhexeeyo Ruushka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...