Maduro oo markale ku guuleystay madaxtinimada dalka Venezuela.

Date:

 Venezuela (SNTV)-Madaxdweynaha la doortay ee Maduro ayaa xafiiska madaxtinimo sii joogi doono lixda sano ee soo socoto.
(CNE) guddiga doorashooynka qaranka ayaa sheegay in ka badan 90% codadka la tiriyay ee doorashooyinka uu Mr Maduro helay codad gaarayo 67.7% oo u dhiganta 5.8 million oo cod. sida ay sheegtay madaxa guddiga doorashooyinka Tibisay Lucena.
Mr Falcón ayaa helay 21.2% codadka la tiriyay, taasi oo u dhigan 1.8million oo cod sida ay isla madaxa guddiga doorashooyinka wadankaasi ay sheegtay.
kooxaha mucaaradka ayaa iska diiday natiijada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka qaranka ee wadankaasi, waxa ayna dalbadeen in dib loogu celiyo doorashada, sida uu sheegay madaxa isbaheysiga mucaaradka waddankaasi Henri Falcón.
Doorashada uu ku guuleystay madaxweynaha markale sii jooogi doono xafiiska ayaa muran badan ka taagan-yahay wallow ay is difaaceen guddiga doorashooyinka oo iyaga laftooda shaki la geliyay sida loogu kalsoonaan karo balse hawaaneyda hugaamisa guddigaas ayaa is difaacday waxa ayna eedeymaha mucaaradka kaga jawaabtay in aysan jirin wax ku shubasha halka madaxa isbaheysiga mucaaradka wadankaasi uu ku dooday in horey loo ogaa natiijada guddiga.
55-jir la doortay ayaa mucaaradka ugu baaqay in ay yimaadaan miiska wada hadalka inkastoo horey loogu guul darreystay wada hadallo dhex maray kooxaha mucaaradka iyo xisbiga uu hugaamiyo madaxweynaha iminka talada haya ee Maduro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...