Maamulka maaliyadeed ee wasaaradda howlaha guud oo lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda

Date:

La wareegitaanka maamulka maaliyadeed ee wasaaradda howlaha guud oo lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda ayaa ka dambeysay markii ay kulan wadatashi ah yeesheen mas’uuliyiinta labad Wasaaradood.

Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ahna Wasiiru Dowlaha Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullahi Sheekh Cali (Prof Qaloocoow) ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha guud iyo Dib udhiska Xukuumadda Soomaaliya iyadoona ka wada hadalay la wareegista Wasaaradda Maaliyadda ay la soo wareegtay maamulka Dakhliga ay soo uruuso Wasaaradda Howlaha Guud,tasoo si toos ah ugu dhici doonta Bangiga dhexe ee Dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamuleysa dhamaan Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga sida gaar ka ah u soo xareeya.

Arrinkaan waxa uu daba socda Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay wada qaateen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre iyo Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga uruuriya, go’aankaasoo ahaa in dhamaan wixii Dakhli ah ay maamusho wasaaradda Maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...