Muqdisho (SNTV)-Waxaa caawa u ballansanaa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan Beledweyn & Shibis oo ka kala tirsan goballada Hiiraan iyo Benaadir.
Nasiib xumo degmada Beledweyn ayaa xilli dambe waxa ay soo jeediyaan cudr daar ah in aysan ka qeyb geli karin tartanka loo ballansanaa caawa duruufo jiro awgood, hasa ahaate guddiga tartanka oo hore u dejiyay shuruudo iyo hab-raacyo loogu tala galay tartanka ayaa sheegay in ay jebiyeen Beledweyn mid kamid ah xeerarka tartanka taasi oo ugu dambeyn guddiga go’aan ku gaareen in dhibcahaas lagu wareejiyo Shibis, sidaasna ay ku hartay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.
Sida uu u bilowday tartanka ayaa waxa ay u tahay caawa warbaahinta qaranka habeenkii ugu horreeyay uu baaqdo, waxaana sidoo kale Shibis ay u noqotay fursad ay kaga baaqsadeen is jii-jiidka cilmiga ah ee garwadeenka ka tahay warbaahinta qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir.
Habeen dambe Boondheere iyo Warta-nabadda ayaa ku ballansan fagaaraha tartan aqooneedka bisha Ramadan.