Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo deeq gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool dalkaasi

Date:

Johannesburg(SNTV);– Deeqdaan raashinka ah ee la siinayay dadka danyarta ah oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib  kale oo muslimiin ah ayaa waxaa bixineysay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Africa waxaana loogu talagalay inay u kaashadaan afurka iyo suxuurta inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Barnaamijkaan lagu caawinayo dadka danyarta ah ee bixineyso Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Africa Danjire Jamaal Maxamed Barrow iyo Madaxa Amuuraha diinta iyo awqaafta Sheikh Shariif Xamsa, waxaana deeqdaan ka faa’iideystay ku dhawaad shan boqol oo ruux oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Johannesburg iyo Nawaaxigeeda.

Madaxa Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Dalkaan Koonfur Africa Sheikh Cabdi Xakiim Ismaaciil ayaa safaarada kaga mahad celiyay gargaarkaan lagu caawinayo dadka danyarta ah ee u baahan caawinaada gaarka ah.

Sheikh Shariif Xamsa oo ah madaxa Amuuraha diinta iyo awqaafta ee Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalkaan Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan maadaama lagu jiro bil barakeysan.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkaan Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barrow ayaa sheegay in inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...