Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo deeq gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool dalkaasi

Date:

Johannesburg(SNTV);– Deeqdaan raashinka ah ee la siinayay dadka danyarta ah oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib  kale oo muslimiin ah ayaa waxaa bixineysay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Africa waxaana loogu talagalay inay u kaashadaan afurka iyo suxuurta inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Barnaamijkaan lagu caawinayo dadka danyarta ah ee bixineyso Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Africa Danjire Jamaal Maxamed Barrow iyo Madaxa Amuuraha diinta iyo awqaafta Sheikh Shariif Xamsa, waxaana deeqdaan ka faa’iideystay ku dhawaad shan boqol oo ruux oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Johannesburg iyo Nawaaxigeeda.

Madaxa Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Dalkaan Koonfur Africa Sheikh Cabdi Xakiim Ismaaciil ayaa safaarada kaga mahad celiyay gargaarkaan lagu caawinayo dadka danyarta ah ee u baahan caawinaada gaarka ah.

Sheikh Shariif Xamsa oo ah madaxa Amuuraha diinta iyo awqaafta ee Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalkaan Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan maadaama lagu jiro bil barakeysan.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkaan Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barrow ayaa sheegay in inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...