Beesha caalamka iyo guddiga gurmadka fatahaadyada oo Muqdisho ku wada hadlay

Date:

Muqdisho, May 20, 2018––Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo Beesha caalamka kaas oo looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha gurmadka ee lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha oo xubin ka ah guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, xubna ka socda Qaramada midoobay, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isku dubba Ridaha gargaarka Soomaaliya, ururada Caalamiga ah ee aan dowliga aheyn iyo masuuliyiin ka socota maamul Gobaleedyada.

“Saaka waxaa noo qabsoomay shir heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, bulshada rayidka ah iyo Beesha caalamka. Waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi halaa howlaha ay guddigu hayaan. Guul ayuu kusoo dhamaaday”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenku.

Shirka oo lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ay fatahaaduhu geesteen iyo deegaannada ugu daran ee ay waxyeeleeyeen ayaa intii uu socday waxaa leesta gartay in ay muhiim tahay in la sameeyo qorsha looga hor tegayo soo noqnoqshada dhibaatooyinka nuucaan oo kale ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...