imtixaankii Shahaadiga Dalka oo maantay Furmay.

Date:

Iyadoo maanta ay tahay maalintii ay wasaaradda waxbarashada Dowladda Soomaaliya iclaamisay in ay bilaaban doonaan imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ayaa lafilayaa in ay bilowdaan imtixaanaadkaasi.

Amaanka goobaha lagu qabanayo imtixaanaadkaasi ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xilsaaray ciidamo ka tirsan amaanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale imtixaanaadka kuwan lamid ah ayaa ka bilaabanaya Gobolada Dalka,marka laga reebo magaalada Baladweyn oo ay saameeyeen fataahadaha webiga Shabeele uu sameeyey.

Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in imtixaanka uu bilaabanayo sabtida oo ah maanta,waxaana u fariisnaysaa ilaa 27,600 oo arday guud ahaan gobolada dalka.

Waxaa lafilayaa in furitaanka imtixaanaadkaasi ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...