Maxaa kala qabsaday Dhahar & Hodan???

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadanย  qeybtiisa labaad ayaa caawa waxaa ku wada ballansanaa Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan goballada Sanaag iyo Benaadir.

Min todaba Suโ€™aalood ayaa middiiba la weydiiyay, waxaana ugu horreynba nasiib u yeeshay in Dhahar lagu billaawo weydiimaha tartanka.

Dhahar 7-Suโ€™aalood ee loogu tala galay ayaayย  ka jawaabtay 2-kamid ah, wax ka faaโ€™ideysi ahna ma aysan haleelin, ย waxa ayna sidaas ku heshay 4-dhibcood.

Dhanka kale degmada Hodan ayaa iyana si lamid ah la weydiiyay 7-suโ€™aalood, waxa ay ka jawaabtay labo kamid ah, sidoo kale waxa ay fursad u heshayย  1 ย ka faaโ€™ideysi oo soo hareer martay Dhahar waxa ayna sidaas ku aruursatay 6-dhibcood taasi oo u suuraย  gelisay in ay ugudubto wareegga 2-aad halka Dhaharna ay sidaas kuย  hartay.

Habeen dambe oo ah habeenka 3-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineysi warbaahinta Qaranka isla markaanaย  uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir ย waxaa ku wada ballansan degmooyinka Jilib & Garbahaarey oo ka kala tirsan goballadaย  Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale