Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi u kuur galaya fatahaadaha dalka.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa maanta looga hadlay Dagaaladda maalmihii lasoo dhaafay kasoo xusboonaaday Deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa si waafaqsan qodobka 56 ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah,waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaaraysay duullaanka uu Axmed Madoobe kusoo qaaday Balad Xaawo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Booliska Koonfur Galbeed

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, jeneraal Cabdullaahi...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS...