Duufaan kusoo fool leh Soomaaliya oo laga digay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO ayaa ka digtay Duufaan xooggan oo loogu Magac daray ONE, taas oo kasoo ruqaansatay Waqooyiga Bad weynta Hindiya ayaa kusoo wajahan qaybo ka mid ah Soomaaliya.

 
Dufaantan ONE ayaa la saadaaliyay in ay saamayn doonto inta badan Gobollada Puntland iyo Somaliand 24 ilaa 48-ka Saac ee foodda inagu soo haya, lagana yaabo inay gaysato wax yeello xooggan.

 
Duufaanatn oo ay wehliyaan Roobab Lixaad leh ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhuftaan Puntland 24-ka Saac ee soo socda, iyagoo usii gudbi doona dhanka Somaliland iyo deegaannada ku xeran.

 
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa baaq u dirtay Dadka halkaasi ku dhaqan, iyadoo u soo jedisay inay taxaddar muujiyaan, una diyaar garoobaan halista ka dhalan karta Dabaylahan la saadaalinayo oo aad u xooggan.

 
Hay’adda ayaa sidoo kale ka digtay inay degaannadaas iyo xitaa meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah ay ka dhici karaan daadad, iyadoo ku baaqday ina laga sii taxaddaro dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka la saadaalinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...