Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee ramadaan oo noogu harsantahay maalmo kooban ayaa waxaa bulshada soomaaliyeed diyaar garow ugu jiraan soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan waxaana suuqyada magaalada muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga bisha ramadaan oo ah bil aad u kheyr badan
Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada muqdisho ayaa waxaa ay ku mashquulsanyihiin iibsiga raashiinka noocyadiisa kala duwan taasi oo ay ugu diyaar garoobayaan soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan.
waxaana mashquul xoogan laga dareemayaa qeybaha kala duwan suuqyada magaalada muqdisho hadii ay ahaan laheyd qeybaha qudaarta, oo bisha ramadaan ay aad u isticmaalaan bulshada iyo qeybta timirta, oo ah mida ay dadku si weyn u isticmaalaan bisha barakeysan ee ramadaan waxaana sidoo kale ay dadku u iibsanayaan hilibka oo dadku ay u isticmaalaan siyaabo kala duwan inta lagu guda jira bisha barakeysan ee ramadaan.
Sidoo kale waxaa sarakac laga dareemayaa qiimaha raashiinka noocyadiisa kala duwan sida bariiska, burka, timirta , caanaha, hilibka, salliida iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan
Qaar ka mid ah ganacsatada qudaar iibisa ayaa ka hadlay soo dhaweynta diyaar garowga bisha barakeysan ee ramadaan ay ugu diyaar garoobayaan.
” xilliyada ramadaanka ee roobka da’ayo ayaa ugu badan in maciishada sare noqdo, taas waxaa u sabab ah in beeraleyda qaaliyeeyaan wax soo saarkooda iyadoo sii dheer tahay qiimaha gaadiidka uu wax ku soo qaado ” ayuu yiri mid ka midaa ganacsatada soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee degmada xamar weyne maxamuud dheere ayaa ka hadlay ka maamul ahaan dowrka ay ugu qeyb qaadan karaan bisha barakeysan ramadaan, isgoona ugu hanbaliyay bilashada bisha ramadaan.