Madaxweyne Farmaajo “Waa in dagaalka Tuka-raq degdeg lagu joojiyaa”

Date:

Faafin degdeg
15ka May, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo la kulmay culumaa’udiinka Soomaaliyeed

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda XFS oo Adis-ababa kula kulmay dhiggiisa Itoobiya

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee...

Hay’adda duulista rayidka oo baaritaan ku haysa diyaarad shalay lagu afduubay Kismaayo

Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in fal xadgudub ki...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo daah furay Kulanka Soo bandhigga Qorshaha Istaraatiijiyadda Dhab-u-heshiinta Qaran.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFs Xildhibaan...