Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xalay kormeer Amni ku sameeyay qaar kamid ah degmooyinka G/Benaadir

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen wakhti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku Β sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mud loogu koor-galayay Amniga Magaalada Muqdisho

β€œKormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u koor galno Nabadgalyada magaalada muqdisho, waxaana ka bilownay dhanka Madaxtooyo ilaa waxaan sii tagnay Deyniile kor ayaan u sii dhaafnay ilaa Tareedisho ,waxaan ka sii aadnay ilaa Jasiira Kaxada meelahaas dhan ayaan kormeer Ku sameynay”ayuu yiri Wasiir Ducaale

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri β€œHadafka waxuu ahaa in Ciidamada aan la qeyb sano qabowga, Maadaama aan nahay Mas’uuliyiinta Qaranka sidaas ayuu R/wasaaraha nagu horkacayaa, marka shacabka Soomaaliyeed waxay ogaanayaan in har iyo habeen aan u taaganahay, hadda Waa Sedexdii Habeennimo Salaadda Subax ayaa dhalan rabto waxaana joognaa ilaa iyo Magaalada daafaheeda oo aan Kormeer ku soo marnay, Amniga magaalada wuu sugnaa” ayuu yiri Wasiir Maxamed abuukar Islow Ducaale.

Kormeerkan Amni ee xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...