Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Danjire C/raxiin Caabi Faarax

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Danjire C/raxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay dalka Mareekanka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Danjire C/raxiin Caabi Faarax oo ku geeriyoday Mareekanka, ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum C/raxiin Caabi Faarax  waxaa lagu xasuustaa kaalintii diblomaasiyadeed uu ka ciyaaray sidii Soomaaliya ay u samaysan lahayd saaxiibo badan oo saameyn ku dhex leh Qaramada Midoobay iyo caalamka.

Xilalkii ugu muhiimsanaa ee uu soo qabtay Marxuum Danjire C/raxiin Caabi Faarax  waxaa ka mid ah Danjiraha Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midooba iyo sidoo kale ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waana qofka kaliya ee Soomaali ah oo derejadaas gaadhay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...