Shirka wadatashiga dib u eegista sharciga socdaalka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Date:

Furitaanka Shirkaan oo la xiriiray dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socday dowlad-goboleedka Hirshabelle, Agaasimeyaal, iyo kusimaha ahna kuxigeenka Agaasimaha guud eee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana qorshaha shirkaan oo ahaa in lagu qabtay magaalada Baladweyne hasa yeeshee la isla gartay in lagu qabto Muqdisho sababo la xiriira Fatahaadaha ka jira Hirshabelle.

Lataliyaha dhinaca Sharciga ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Safiyo Cabdullaahi Shire ayaa madasha ka sheegtay in si loo helo sharci la jaan qaadi kara shuruucaha kale duwan ee dunida ay bilaabeen sanadkii 2017-kii latashiyo la xiriira dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya.

Kusimaha agaasimaha, ahna ku xigeenka agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir Shiino ayaa tilmaamay in dhinacyada ka qeyb galaya shirka ay ka filayaan iney soo saaraan talooyin muhiim ah oo sharcigan kaabaya.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Rooble wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa xusay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka ay door wanaagsan ka qaadaneyso in lala jaanqaado dunida inteeda kale.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa wadatashiyada ku saabsan dib u eegista Sharciga Socdaalka horey ula soo sameysay bulshada dowlad-goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland, iyadoo qorsheeneysa in lala sameyo maamulada wali aan la gaarin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...