Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Goleyaasha Deegaanka

Date:

Muqdisho(SONNA):– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka Gobolka Benaadir iyo Kulan Howlleedka Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka oo looga doodayay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa in talada dib loogu celiyo dadka iyo in shacabka Caasimadda la gaarsiiyo nidaam ay ku soo xushaan hoggaankooda mustaqbalka dhow, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka heerka qaran ee guud ahaan dalka ka dhici doona sanadka 2020.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo masuuliyadda ka saaran in wax walba ay ku qabsoomaan waqtigii loo qorsheeyey, markii ugu horeysay la sameeyey Waaxda Siyaasadda iyo Dimuqoraadiyeynta Gobol, tani oo ujeedka dhismaheedu yahay in la gaarsiiyo bulshada taladu inay iyaga ka timaado.

Kulamadan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, madaxda ciidamadda iyo Garsoorka dalka, waxana ka soo baxay qodobada hoos ku xusay;

1. Waxaa la isla fahmay dowrka iyo kaalinta Maamullada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka ee heer degmo.
2. Waxaa la isla gartay muhiimada ay leedahay in shacabka talada dib loogu celiyo iyo in magaalada Muqdisho laga hirgeliyo dimuqoraadiyadeyn hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona, si muwaadinku u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto.
3. Waxa la isla gartay jadwalka iyo habraaca loo marayo dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Gobolka Benaadir
4. Waxaa la isla gartay in laga wada shaqeeyo hagaajinta xiriirka wada shaqeyn ee Maamulada degmooyinka, hay’adaha amniga iyo Garsoorka heer degmo.
5. Waxa uu kulanka soo dhaweeyay dadaallada uu wado hoggaanka Maamulka Gobolka Benaadir ee loogu dhaweynayo bulshada maamulka iyo daadajinta adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada.
6. Kulan howlleedka waxa laga soo jeediyay talana lagu bixiyay in la dardargeliyo dhisidda goleyaasha deegaanka degmooyinka maamulka gobolka Benaadir
7. Kulan howlleedka waxa laga soo jeediyay talana lagu bixiyay in la dhiso kaabbayaasha maamul ee degmooyinka kahor iyo kadib dhismaha goleyaasha deegaanka, lana joogteeyo kulamada ceynkaan oo kale ah.
8. Waxa ay ka qeyb-galayaasha kulanka isla garteen duruustii laga bartay wada shaqeyn la’aanta iyo in hadda wixii ka danbeeya loo gudbo isku xirnaan iyo isla falgal, lagana fogaado wax walba oo caqabad ku ah u adeegida bulshada degmada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...