WHO oo soo bandhigtay heerka saameynta fatahaadyadii dhacay

Date:

Gineva-(SNTV)-Dad kor u dhaafaya 695,000 Qof ayaa ku wax yeelloowday daadad ka dhashay Roobab lixaad leh oo sababay fatahaado ka dhacay Dalka Soomaaliya qaybo ka mid ah, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

War bixinta WHO, ayaa lagu sheegay in Maalmihii dhawaa oo kaliya ay guryahooda ka barakaceen ku dhawaad 215,000, Qof, daadad ka dhacay Gobollada Bakool, Banaadir, Baay, Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellada dhexe.

Dadkan ayay hay’addu sheegtay inay si deg deg ah ugu baahn yihiin Hooy, Teendhooyin, adeeg Caafimaad,Cunno, Biyo nadiif ah, Musqulo, Mara Kaneecayaal iyo aalado kale oo ka saacidi kara nadaafadda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale ka digtay goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo meelaha Biyo fariisiga leh inay ka dhashaan Cudurro ay ka mid yihiin, Daacuun Caloolaha, Duumada iyo xanuunno kale oo ay sababaan Biyaha wasakhaysan.

WHO oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan 30.1 Ton oo Dawo ah geysay Magaalooyinka Balad weyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo ah goobaha ugu daray ee ay qayla dhaantu kasoo yeereyso, waxaana weli soconaya dedaallo gurmad oo dhan walba leh oo ay wadaan hay’adaha sama falka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isha/ Namibia Press Agency

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....