Wasaaradaha Awqafta Soomaaliya iyo Kuwait oo heshiis iskaashi wada saxiixday

Date:

Muqdisho (SNTV), Wafdiga Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan booqasho rasmi ku  gaaray Dalka Kuwait , ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha ahna Siihayaha Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Xasan Ibrahim, waxaana safarka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cumar Faaruq.

Kadib kulan shaqo oo si qoto dheer loogu lafaguray iskaashiga Labada Wasaaradood ee dhinacyada manaahijta diiniga, dhismaha iyo dayactirka Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto, waxa ay labada Wasiir qalinka ku duugeen Heshiis Iskaashi oo Labada Wasaaradood u dhexeeya.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait, ayaa sii xoogeysanaya iyadoo tani ay daliil u tahay booqashooyinka isdaba jooga ee wafuud Soomaaliyeed oo heer Wasiir ah ay ku tageen Dalka kuwait labadii usbuuc ee u dambeeyay.

Heshiiskan ayaa la rajeynayaa in uu horseedi doono iskaashi miro dhala oo Labada Wasaaradood ay ku tallaabsadan.

Sixiixa Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana soo qaban qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait,  iyadoo ay goobjoog ahaayen Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muuse Faarax, oo gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Labada dal iyo dardargelintiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la qaatay safiirka sucuudiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay wada-hadallo la xiriira qorshaha ka qeyb galka Masar ee AUSSOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlay adkeynta dardargelinta amniga

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Muqdisho oo lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla...