Taliye ku-xigeenka Booliska gaarka ah ee Galmudug oo gaarey magaalada Hobyo

Date:

Hobyo(SNTV):–kormeerkan oo ahaa mid loogu kuur galayay howlaha shaqo ee ciidanka Booliiska degmada Hobyo, islamarkaana la xariira dadaalada sugidda iyo adkaynta ammaanka ayaa waxaa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad Gobaleedka Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) uu ku tagay saldhigga ciidanka Booliiska degmadaasi.

Taliye ku xigeenka oo isagu maalmahaan kormeero ku marayay
saldhigyada ciidamada Boliiska ee deegaanada gobalka Mudug qaarkood ayaa markii uu tagay saldhigga degmada Hobyo waxa uu warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada Boliiska degmada,isagoona warbixinta kadib kula dar daarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooda,kuna ammaanay howlaha shaqo ee ay xiligaan ka hayaan degmadaasi.

Dhinaca kalana degmada Hobyo ayaa waxaa ka muuqanaya horumaro ballaaran tan iyo wixii ka danbeeyay markii halkaasi uu gaaray madaxweynaha jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya,iyadoona horumarka iyo amniga degmada Hobyo uu sababay in maalinba maalinta ka dambeysa degmada Hobyo ay soo gaaraan ganacsato Soomaaliyeed,kuwaasi oo doonaya in ay maalgashiyo ka sameystaan halkaasi,iyagoo ka faa’ideysanaya horumarka iyo amniga ka jira degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Magaalada Hobyo oo ah magaalo Xeebeed ayaa muhiim gaar ah u leh bulshada deegaanadasi, iyadoo dhawaana halkaasi laga hirgeliyay waddo muhiim u ah isku xirka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee Gobolka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...