Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida dawladda Djibouti

Date:

Djibouti (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ay wehliyaan Taliyaha hoggaanka baarista Dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo saraakiil kale, ayaa la kulmay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti S/guud Zakariye Shiikh Ibraahim iyo Madax sare oo ka tirsan Dawladdaasi.

Madaxdaasi, ayaa isla soo qaaday qodobo badan oo ku quseeya labada dhinac, waxaana si gaar ah looga hadlay Xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Talis iyo siddii looga wada shaqeyn lahaa Ammaanka guud ee labada dal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa warbixin ku saabsan Xaaladda amni ee Soomaaliya siiyey Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti, isaggoo xusay in isabadal weyn lagu sameeyey  howlaha Nabad gelyo ee dalka, waxaana  Dawladda Djibouti uu uga mahad celiyey sida mar walbo ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

S/guud Zakariye Shiikh Ibraahim, Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan, isaggoo tilmaamay in Dawladda aan Walaalaha nahay ee  Djibouti mar walbo ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Caawinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...