Duqa Muqdisho oo Daah-furay mashruuca qiimeynta bulaacadaha Caasimadda

Date:

Muqdisho, 08 May 2018 – Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray mashruuc lagu soo diyaarinayo daraasad iyo qiimeyn la xiriirta sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha biyo fariisadka iyo bulaacadaha oo xilli roobaadka yeesha saameyn weyn.

Maamulka gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howlanaa sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa ka codsaday  bankiga adduunka (World Bunk)  maalgelin buuxda oo magaalada Muqdisho looga hir-gelinayo bullaacado biyaha roobka si toos ah badda ugu shubo iyo dayactirka waddooyinka.

Gudoomiye Yarisow ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xilliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan.

“Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubbooyin qaada biyaha roobka iyo tubbooyin bixiya wasakhda (Sewage), qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan,  si walba ha ahaatee, xilli roobaad walba waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay,  Jidadka waa-weyn oo qaarkood bur-bura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno waqtiga dhow in xal waara loo helo”  -ayuu yiri Gudoomiye Yarisow.

Maamulka gobolka Benaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-uhelidda dhibaatada ay ku hayaan daadaka biyaha roobka ee bur-buriya magaalada, mar walba uu roob da’o, waxa uuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya nadaafadda Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...