Kulan looga hadlayo qabya qoraalka Sharciga Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV);- Kulankaan oo inta uu soconayo  looga doodayo qabya qoraalka sharciga doorashooyinka qaranka waxa ka qeyb galaya sharci yaqaano, aqoonyahano iyo gudiga doorashooyinka, si ay uga tala bixiyaan nuuca doorasho ee Soomaaliya ku haboon marka la gaaro 2021 waxaana soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha Gudaha. Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa kulan ku soo bandhigtay daraasado ku saabsan nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya waqtigaan

Cabdinasir Xaaji Maxamed Agaasimaha Waaxda federaalka ee wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo dib heshiisiinta ayaa ka hadlay daraasada ay  wasaaradu ka sameysay  nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya.

“ waxaa la sameeyay nuuca doorasha ee dalka ku haboonm hadii ay noqon laheed nidaamka aqlabiyada badan,ama nidaamka saamiga dheelitiran iyo mid isku dhafan, waxa kale oo daraasad laga sameeyay nuuca deegaan doorasho ee ku haboon waqtigan waxaana garanay inay ku haboon tahay doorasho nuuceedu yahay nidaamka saamiga dheelitiran (proportional Representation)” Agaasime waaxda federaalka ayaa sidaa yiri

Xuseen Cabdi Aadan oo ah xubin ka mid ah gudigga doorashooyinka Qaranka talaabo muhiim ah ayuu ku tilmaamay in laga tala galiyo  dadka u ahalka qabya qoraalka sharciga doorashooyinka.

“ annaga inaan ka soo qeyb galno muhiim weeye waayo anaga marka la sameeyo sharcigaan fulintiisa leh, wasaaraduna waxay ku mahadsan tahay sida aan turxaanta laheen ee baraxa la’ ee marwalbaba ula tashanayaan dadka qeyb ahaan lugta ku leh iyo aqoonyahanada iyo dadka sharci yaqaanada ah” ayuu yire Xuseen Cabdi Aadan

Xoghayaha joogtada ah e wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta C/laahi Maxamuud Xasan (Azhari) uu furay kulanka waxa uu sheegay in wasaaradu  ay ka go’an tahay in la helo nidaam doorasho qaran oo loo dhan yahay,

“ maanta waxaan isugu nimid heykalka sharciga qabya qoraalka doorashooyinka inaad talo ka bixisaan, dhammaan qeybaha bulshadana waxaan rabnaa inay ra’yi ay ku lahaadaan sida ay wax u dhacayaan, sababtoo ah hadii aan la helin intaas oo dhan wax loo dhan yahay lama helaayo” ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya

Kulankaan looga hadlayo qabya qoraalka sharciga doorashooyinka oo soconaya laba maalmood  ayaa qeyb ka ah dadaalada Qaran ee looga tashanayo nuuca doorasho ee ku haboon dalka iyo nidaamka loo marayo.

Cabdishakuur Cali Axmed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...