Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo ku aaddan Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka u diray Wariyeyaasha Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada Saxaafadda Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, faafinta horumarka dalka, ilaalinta xasilloonida iyo midnimada shacabka.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda. Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey dhowrista xorriyadda hadalka, maadaama ay tahay xaq dastuuri ah oo muuwaadin kasta uu leeyahay, iyadoona dhanka kale ay waajib tahay in loo hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka Qaranka uga dagsan Saxaafadda oo ay ka mid tahay Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed ee ay ansixiyeen Baarlamaanka dalka.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay Bahda Saxaafadda in ay sii labo-jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...