Masuuliyiin ka socda Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti

Date:

Jabuuti (SNTV), Wafdi uu hoggaaminayey Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D, islamarkaana uu qeyb ka yahay Gen Cabdullaahi Xasan Bariise, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale, ayaa maanta gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdigaan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dawladda Jabuuti iyo sidoo kale Saraakiil ciidan oo ka socday Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo tababar dalkaan ku siiya Saraakiil Soomaali ah.

Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maalinta Khamiista ah Tababar u soo xiri doono Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo tababar Jabuuti ku qaatay, waxaana la filayaa wafigaan inta ay ku sugan yihiin dalkaan inay la kulmaan Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...