Duqa Muqdisho oo kormeeray xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Gobolka

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kormeeray Xarunta Ciidamada Ilaalada Deegaanka (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynaayo Ciidankaas, si loo xaqiijiyo qorshaha ku saabsan dib-u-habeynta qeybaha maamul ee Gobolka.

Guddoomiyaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka ayaa sheegay in horey ugu soo shaqeeyeen duruufo adag, iyagoona u soo dhabar adeygay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarinta Gobolka, maantana la taaganyahay xilligii lagu maamusi lahaa howl-karnimadooda.

“Waxaan idin ku bogaadinayaa sida aad habeen iyo maalin uga taagneydeen danta dadkiinna iyo dalkiinna, shaki kuma jiro in duruufo adag aad ku soo shaqeyseen, waxaanse idiin ku bishaareynayaa in mirihii iyo dadaalkii aad bixiseen uu haatan yahay mid aad ku faani kartaan, dadkiinuna idin xasuusanyihiin.”

Guddoomiyaha ayaa faray Saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Ilaalada Deegaanka in ay dardar geliyaan shaqada adag ee ay hayaan, iyadoona la racaayo hannaanka ku saleysan hufnaanta iyo musuq maasuq la’aanta ee Maamulka Gobolka Benaadir uu beegsanayo.

“Dareyska Minishiibiyada waxaad u xirantihiin waa u adeegidda dadkiinna iyo dalkiinna, taasna waxaa la rabaa in ay ka muuqato hab-dhaqanka aad kula mucaamileysan bulshada aad u adeegaysaan. annaga Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan xuquuqdiinna iyo dhiiri gelintiinna ka shaqeyno sidii aan u joogteyn lahayn.”

Kormeerkan oo u ku wehelinayey Guddoomiyaha qaar ka mid ah Kuxigeennadiisa iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa halkaas waxa ay qiimeyn ku soo sameeyeen xafiisyada iyo xarumaha ay ka koobantahay Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...