Maxamed Mursal Sheekh oo ku guuleystay doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

Date:

Waxaa lasoo gaba gabeeyay Tirinta Codadka Wareega Sadexaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isugu soo hareen Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow iyo Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan.

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi weli Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ku guuleystay Guddooomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay codadka ugu badan oo gaaraya 147 halka Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

“Waxaa codeeyay 265 Mudane, Xildhibaan Ibraahim Isaaq wuxuu helay 118, Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu helay 147, waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan”.ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda...

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo 

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka...

R/W ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Arrimaha Bulshada

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Tababar lagu baranayo habka maamulka garsoorka oo laga daahfuray Muqdisho

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hon. Sulayman Mohamed ayaa...